Sign in to follow this  
Deeq A.

Afgooye oo xalay guul ka gaartay dhiggeeda Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Labada degmo ayaa u dambeeyay Group-ka D iyo guud ahaan is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha Kaaraan ayaa qeybta hore la yimid 4 dhibcood, hayeeshee guddiga habsami u socodka tartanka ayaa ka jaray labo buundo, kadib markii ay ku xadgubeen mid ka mid ah xeerarka u yaalla tartan aqooneedka Shabelle, sidaasina waxa ay ku heleen 2 dhibcood.

Kaaraan ayaa ka hortimid  go’aankaasi, waxaana ay gabi ahan ka biyo diiday in sii wadato tartanka, tan iyo inta laga soo gabagabeynayo.

Dhinaca kale Degmada Afgooye ayaa qeybta hore keensatay 6 Dhibcood, waxaana qeybta labaad, ay si Forfeit ah ku heshay 14 bundo.

Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana caawa laguda gali doona is araga labaad ee Wareega koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle.

Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo ku wada jira Group-ka A ayaa kulanka ugu horreeya isku arki doona.

Waa labo degmo oo kala matalaya gobollada dariska  ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Taaba gelinta tartanka Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca-cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare ee ganacsiga iyo Xisaabaadka Adult.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this