Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo Beeniyay In Mareykanku Uu Kumanaan Askari U Dirayo Bariga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixin lagu qoray majalada New York Times oo aheyd in madaxda Mareykanka ay u diyaar garoobayaan in qorshd 120,000 oo milatari ah loogu daabulayo bariga Dhexe.

15578587080ce29.jpg

Ujeedada ciidankaan ayaa lagu sheegay in sida uu wargeysku qoray weerar ka dhan ah dowlada Iiraan.

Trump oo ka jawaabayay ayaa yiri waxaan u maleynayaa in arintaan ay tahay war aan sax aheyn mana Sameynayo.

Wuxuu intaa raaciyay in qorshaha aysan ugu jirin dowladiisa in dagaal ay ku qaado Iiraan uuna ku rajo weyn yahay in aysan dhici Doonin.

Xilli uu salaasadii shalay warbaahinta kula hadlayay aqalka cad ayaa waxuu intaa raaciyay in hadii ay dhici laheyd ciidan ay u daabulayaan bariga dhexe uu amri lahaa askar ka badan 120,000.

Wargeyska New York Times ayaa isniintii shalay qoray in sii hayaha xoghayaha difaaca Mareykanka Patrick Shanahan iyo la taliyaha dhanka amniga John Bolton ay ka wada arinsadeen todobaadkii la soo dhaafay sidii 120,000 askari loogu diri lahaa bariga dhexe, si ay weerar ugu qaadaan xarumaha Nuclear-ka Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this