Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuuthiyiinta Oo Diyaarado Drone Ah Ku Duqeeyey Xarumaha Shidaalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Dowlada Sacuudiga ayaa qirtay in khasaare kooban ka dhashay mid kamid ah xarumahooda shidaalka laga soo saaro oo ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen ku weerareen diyaaradaha yar yar ee drone-ka oo hubeysan.

Shidaalka-Sacuudiga-740x387.jpg

Shirkada shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay inay xidhay mid kamid ah dhuumaha shidaalka geeya dekkada magaalada Yanbu ee saaran badda cas, kadib markii uu dab ka dhashay weerarkan loo adeegsaday drone-ka.

Dhinaca Xuuthiyiinta ayaa warbaahintooda ku shaaciyey in 7 drone oo hubeysan ku duqeeyeen xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, waxayna sheegeen inay tani jawaab u tahay duqeynta Sacuudiga kasii wado dalka Yemen.

Weerarkan ayaa muujinaya in Xuuthiyiinta ay hada awood u leeyihiin inay duqeeyaan goobaha fog fog ee ku yaal gudaha dalka Sacuudiga halkii xiligii hore ay duqeyntooda diirada saari jireen deegaanada ku dhaw xaduuda Sacuudiga la leeyahay wadanka Yemen.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Iran oo lagu eedeeyo inuu taageero kooxda Xuuthiyiinta Yemen iyo weerarkii la sheegay in lagu qaaday Maraakiib Sacuudiga laga leeyahay oo Axadii lasoo dhaafay marayey xeebaha dalka Imaaraadka.

Dowlada Iran ayaa dhankeeda iska fogeysay weeraradii lagu qaaday Maraakiibta Sacuudiga, waxayna xubno kamid ah xukuumada Tehran sheegeen in weeraradan ay yihiin kuwo la farsameeyey oo la doonayo in qiil looga dhigto duulaan ay xulafada Maraykanka & Sacuudiga kusoo qaadaan wadankooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this