Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Xaqiijisay In Gabadh Shaqaale Ah Lagaga Xidhay Dalka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Guddiga shaqaalaha dalka Britain ayaa shaaciyay in mid ka mid shaqaalahooda lagu xidhay dalka Iiraan oo loo haysto falal Basaasnimo.

1557862751979b6.jpg

Madaxa hey,ada dhaqanka Britain Ciarán Devane ayaa war saxaafadeed ka soo baxay salaasadii shalay lagu sheegay in gabadh lagu magacaabo Aras Amiri oo 32 jir ah oo ku xidhneyd hal sanno dalka Iiraan lagu xukumay 10 sano Xadhig ah.

War saxaafadeedkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan waaxda garsoorka Iiraan uu sheegay in xukun ay xabsi ah ay ku rideen gabadh basaas u aheyd dowlada UK.

Afhayeenka waaxda garsoorka Iiraan Gholamhossein Esmaili, ayaa xaqiijiyay in gabadhaan ay la shaqeyneysay laanta Sirdoonka Ingariiska.

Wuxuu intaa raaciyay in Iiraan ay u timid mashaariic la xidhiidha dhaqanka, balse ay la xidhiidhi jirtay ciidanka amniga UK si macluumaad ay u Siiso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this