Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi laga qabo in liiska shaqaalaha rayidka DF uu u gacan galay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii ugu dambeeyay soo Ifbaxay warar sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay heleen Liiska dhamaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliya oo gaaraya in kabadan 5 kun oo qof.

Caasimada Online ayaa maanta la kulantay dhalinyaro badan oo ka tirsan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, kuwaas oo qaba walaac xoogan oo ku aadan amnigooda kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Al-Shabaab loo gacan geliyay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.

Dhalinyaradaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Warbixinta ay ka heleen Xafiiska Wasaarado ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta oo si cad ugu sheegay in uu jiro tuhun arintaasi ku saabsan.

Dad kala duwan oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in ay soo gaartay Warbixinta nuucaas ah balse aan la ogayn ilaa hadda goobta laga helay.

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta amniga oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay warbixintaan, islamarkaana loo sheegay in ay aad u adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo shaqaalaha Dowladda oo ay qatar soo wajahday.

Si rasmi ah looma oga halka laga helay Liiska Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya balse waxay Caasimada Online ogaatay in Liiska Shaqaalaha uu yaalo dhowr Xafiis oo ay kamid yihiin.

  1. Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.
  2. Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
  3. Xafiiska Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre
  4. Xafiisyada hey’adaha amniga Soomaaliya sida Booliiska iyo Nabad Sugidda. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Liiska sidoo kale yaalo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Arintaan ayaa maanta ah hadal heynta ugu wayn ee Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay hey’adaha Dowladda Soomaaliya ee dhanka amaanka ah ay wadaan baaritaanka arintaan si loo soo hubiyo sax ahaanshiyaheeda iyo hadii ay jirto halka laga bixiyay.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali hey’ adaha amaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaanka Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya. Ciidamada amaanka ayaa Todobaadkii baara ugu badnaan 2 Xarun oo ka diiwan gashan Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this