Sign in to follow this  
Deeq A.

“Shirkadaha Laydhka Ee Waayirrada Jilicsan Dusha Marinaya Ee Maalin Walba Oo Roob Da’o Dadka Qabsanaya Tallaabo Laga Qaadi Doono..” Madaxweyne Biixi Oo Ka Digay Khatarta Shirkadda Laydhka Ee Sompwer

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shirkadaha laydhka ee Somaliland ay khatar badan ku hayo bulshada waxaana isasoo taraya cabashooyinka ay bulshadu ku muujinayaan.

sompower.png


Shirkadda Sompwer ayaa si fudud uga hadashay 2 qof oo laydhkooda ku dhintay xalay waxaanay tacsi u dirtay dadkii ay ka dhinteen iyada oo aan marna soo hadal qaadi wax ka bedel ay ku samayn doonaan adeegga ay bulshada u hayaan.
Sannadihii u dambeeyay waxa soo badanayay khatarta shirkadaha laydh iyada oo ay dad kala duwan ay ugu nafwaayeen siyaabo kala duwan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlay Dadkii ku dhintay Roobkii Xalay ka da’ay Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhamayd 6 Qof, halka 12 kalena ku dhaawacmeen.


Shirkadaha Laydhka ayuu Madaxweynuhu ka hadlay dhibaatada ay Dadka ku hayaan isaga si gaar ah farta ugu fiiqay 2 qof oo xalay ku dhintay laydhka Shirkadda Sompwer waxaanu yidhi “Dadka dhintay waxa ku jira Dad Laydh soo go’ay ku dhacay, Shirkadaha Laydhka ee Waarrada Jilicsan dusha marinaya ee maalin walba oo Roob da’o Dadka qabsanaya, waa arrin Tallaabo laga qaadi doono, taasi oo ah in Dadka laga bedbaadiyo Laydhka..”ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this