Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisiyada siyaasadeed ee dalka oo soo saaray nooca doorasho ee ay doonayaan 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen xisbiyada dalka ka jira arkood sida; Ilays, UPD, Wadajir, NDP iyo NPP ayaa waxay kaga hadleen aratidooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhicaya, iyagoo soo jeediyay doorashadu inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Xisbiyadan, ayaa si fog uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku uu xilligan ku jiro, waxayna si gaar ah ugu kuur-galeen doorashooyinka 2020-ka ka dhici doona Somalia.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada ay noqoto qof iyo cod, isla markaana leh deegaan doorasho qayaxan oo ku saleysan nidaamka axsaabta iyo saami qaybsiga matalaad isku dheelli-tiran.

Waxay kaloo sheegeen in baarlamaanka 10-aad ee hadda jira uu waqtigiisa ku eg-yahay 26-ka bisha December ee 2020-ka, xilligaasna ay sharci ahaan ku asteysan tahay xilli lama dhaafaan oo ah inay soo dhameystiranto doorashada wakiilada shacabka iyo wakiilada Dowladaha xubnaha ka ah DF.

Dhanka kale, Xisbiyadu waxay walaac ka muujiyeen in Dowladda hadda jirta ay sameysato muddo kororsi, waxaa kaloo sharciga doorashooyinka ee ay dhawaan ansixisay dowladda uu noqdo sharci wadar ogol ah, lagana talo geliyay qaybaha bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira.

Haddaba, AKHRISO: Bayaanka ay soo saareen Xisbiyada dalka ka jira Qaarkood

Bayaan_Axsaabta_Siyaasadeed_Dalka-1.jpg?
Bayaan_Axsaabta_Siyaasadeed_Dalka-2.jpg?

PUNTLAND POST

The post Xisiyada siyaasadeed ee dalka oo soo saaray nooca doorasho ee ay doonayaan 2020-ka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this