Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sida ay ku dhacday in gaari qarxa lagu weeraro xarunta Warta-Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa uu galay gudaha Xarunta.

Gaariga qaraxa waday ayaa waxaa uu Xarunta Degmada ka galay dhinaca Waqooyi oo ah goob ay degganyihiin dad danyar ah oo ay ka dhisanyihiin Guryo cooshado ka sameysan.

Dhinaca uu Baabuurka kasoo galay ayaa ah meel barxad ah oo aysan joogin ilaalada Degmada halka jidadka kale ee soo galo degmada si weyn loo adkeeyey.

Maamulka Degmada ayaa waxaa ay sheegeen in halka Gaariga uu ka galay degmada aysan ahayn meel ay ka filayeen,laakiin ay tani cashar ka baran doonaan.

Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xarunta degmada Wardhiigley ka socday raashin qeybin dadka masaakiinta ah, inkastoo maanta xilliga qaraxa uu dhacayay aysan goobta ka socon wax raashin qeybin ah.

Xarunta Degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Aqalka Madaxtooyada, waxaa bishii hore xaruntaas booqday Madaxweyne Farmaajo oo kula hadlayay shacabka deegaanka, iyadoo la xusuusto inuu xilligaas inuu hanjabaad u jeediyay dadka rabshadaha wada.

Bishii September ee sanadkii la soo dhaafay labo qarax oo isku xigay waxaa lagu bur buriyay xuramaha Degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu bur buriyay xarumaha degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this