Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan dowladda Oo lagu weeraray Siinka Dheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho

Ilo deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay Gaari CabdiBile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya.

Hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay kuwa kale, walow aan la xaqiijin inta ay tiro ahaan gaarsiisan yihiin.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa qaraxyo  nuuca Miinada ah lagula eegtaa Waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this