Deeq A. Posted May 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Qaraxan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa waxa uu barqanimadii maanta ka dhacay xarunta degmada Warta Nabaddda ee gobolka Banaadir. Sida ay dad goobjoogayaal ah ay Shabelle u sheegeen waxaa qaraxa fuliyay qof isa soo Miidaamiyay oo watay gaari nuuca raaxada ah. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka dhaawacmay ayaa waxa ka mid ah Cali Aadan Warsame oo ah xoghayaha maamulka degmada Warta Nabadda ee M/Muqdisho. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay,sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale waxaa bubur xoogan uu soo gaaray xarunta degmada Warta Nabadda iyo dhismayaal ka agdhow halkaasi. Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta tagay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, balse ma jirto wax faah faahin oo ay ka bixiyeen qaraxaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites