Deeq A. Posted May 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle ku madalsan degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeeha Hoose. Labadaani degmo ayaa sidoo kale u dambeey Groupka- D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Kaaraan iyo Afgooye ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajinka caawa ee tartan aqooneedka Shabelle. Xalay oo ay wada baratameen degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jajab ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad loogu riyaaqay. Cabdicasiis ayaa la timid 10 dhibcood , halka Xamar Jajab ay keensatay 10 buundo,sidaasina waxa ay ku galeen barbar dhac. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola. View the full article Share this post Link to post Share on other sites