Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow “Waa fal danbiyeed Imtixaanka la xaday”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Boqolaal arday ah oo ka careeysnaa go’aankii ay wasaaradda waxbarashada Soomaliya ku joojisay Imtixaanaadka Dugsiyada sare ayaa maanta banaanbax weyn ka dhigay magaalada Muqdisho.

Ardaydaan oo ku qeylinayay ereyo ay ku muujinayeen, sida ay ugu xun yihiin in markale dib loogu celiyo Maadooyinka qaar ee Imtixaanka ayaa isugu tagay Taalada Dajirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Ardaydani oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho ayaa Shabelle u sheegay in aysan aqbali karin go’aanka wasiirka waxbarashadda, islamarkaana iyagu aysan qaadeyn mas’uuliyada ah Imtixaanka la musuq maasuqay.

Sidoo kale banaanbaxyo waa weeyn oo ay arday Soomaaliyeed uga soo horjeedaan tallabadan ayaa ka kala dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdullahi Goodax barre oo xalay la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa ku dhawaaqay in dib u dhigay Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoona shaaciyay in markale la qaadi doono 27 bishan May ee 2019-ka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

5 6 1 2 3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.

“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah.

Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu si gaar ah u sameysanayo imtixaanka dugsiyada sare kadib markii dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la baabi’iyay imtixaanka oo dhan.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka soo dirty inay dib ugu laabtaan Muqdisho .

“Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in saraakiisha loo xilsaaray qaadista Imtixaanka ee ka socday Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ay fashilmeen,waxaana uu ku amray Saraakiishaas inay si deg deg ah uga baxaan deegaanada Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay isla xisaabtan sameyso oo si deg-deg ah cidii fashilisay imtixaanka tallaabo loogaga qaado.

“Maanta wixii ka dambeeya waxbarashada ardayda Hirshabelle waxaa mas’uul ka ah dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu Magacaabi doono Guddi laga soo xulayo, Aqoonyanada, Culumada iyo waxgaradka deeganada Hir-Shabelle,kuwaas oo ka Shaqeyn doono qabsoomida Imtixaanka Ardayda ku nool deegaannada Hir-Shabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this