Sign in to follow this  
Deeq A.

IMF oo bogaadisay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN ) – Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu sameynayo kobac, kadib markii ay Xukuumadda qaadey tallaabooyin wanaagsan.

War qoraal ah oo ka soo baxay IMF ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 3% sanadkan 2019-ka, taas oo ka badan sanadkii tagey oo ahaa 2.8%.

Sidoo kale, Hay’adda lacagta Adduunka ayaa tilmaantay in hoos u dhac ku yimid sicir bararka Soomaaliya ka jiray mudooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo uu gaarey 3%, iyadoo uu ahaa 3.2%.

Allison Holland, oo ah madaxa koox khubaro ah oo IMF usoo dirtay Soomaaliya si ay ugu kuurgalaan dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameynayso horumar ballaaran, sida adeegyada maaliyadeed, isgaarsiinta iyo dib u dhiska dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wado dedaallo dalka looga cafinayo deynta caalamka, taasoo udub dhexaad looga dhigay dib u habeynta maaliyadda dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this