Deeq A. Posted May 14, 2019 Muqdisho (SMN ) – War Qoraal ah oo Bartiisa Facebook uu ku daabacay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayuu kaga hadlay Dibadbaxyadii maanta ay Ardayda Sanadkaan ka qalin Jabineysa Dugsiga Sare ka dhigeen Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka. Wasiir Goodax ayaa cod dheer ku sheegay in Cabashada Ardayda ay dib u eegis ku sameynayaan soona saari doonaan war Farxad galiya Ardayda. Qoraalka uu Wasiirku Facebookiisa soo dhigay ayaa sidaan u qornaa!. Waxaan halkan baaq uga dirayaa ardayda soomaliyeed ee banaanbaxa rabshadaha wata ka wada magaalada muqdisho xaq ayaad uleedihiin inaad banaanbaxdaan balse marnaba dawladu raali kama ahaaneyso in shaqsiyaad shaati kale wata ay ka faaidaystaan ardayda masaakinta ee dareenkooda muujinaya wax walba amniga ayaa ka muhiimsan waad ujeedan jawaabta ay ka bixiyeen qolyaha nabad diidka ah oo marwalba ka faaidaysta fursadaha noocan oo kale ah dawlada somaliya waxay diyaar u tahay inay wax kaqabato cabashada ardayda marnaba xaq maaha arday juhdi iyo dadaal badan bixiyey iyo mid qash so helay inay imtixaan soo wada fariistaan waana sababta nagu kaliftay inaan goaan noocas ah soo saarno waxaan mar kowaad iyo marlabaad idinku xoojinaya inaad nabad ilaalisan guryihiinana kulabataan dawladuna waxay diyaar utahay inay soo saari doonto goaan idin farxad geliya wabilaaahi tawfiiq. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo dadaal uga jiray in uu dajiyo Ardayda Isusoo baxa ka sameysay Muqdisho ayaa tagay goob fagaaro ah oo u dhow Isgoyska KM4 , waxaana xilli uu doonayay in uu la hadlo Ardaydaasi meesha ka dhacay Rabshad xoogan iyadoo la dhagaxyeey Wasiirka iyo Saraakiil la socotay oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaana Ciidamada Ammaanka iyo qaar ka mid ah Ilaaladaha Hoteelada nawaaxiga ka dhawaa Rasaas ay fureen la sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 ka mid ah Dibadbaxayaasha , iyadoo wararka intaas ku darayaaan in Ciidmada Ammaanka ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaalada Hoteelka Lagu Magacaabo Giyaajo oo la sheegay Rasaas ay ku fureen dibadbaxayaashaasi lana xir xiray ilaaladaasi. Dowladda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay kago’antahay in Ardaydu u fariistaan Imtixaan hufan islamarkaana ay la xisaabtami doonto shaqsiyaadka ku lugta leh Iibsiga Imtixaanaadkeeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites