Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro Lagu Qaaday Masaajido Ku Yaalla Sri Lanka Iyo Bandow Lasoo Rogay Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlada Sri lanka ayaa bandow habeenkii soconaya kusoo rogtay guud ahaan gobalada dalkaasi kadib markii ay sii bateen weerarada loo geysanayo Masaajidada iyo goobaha ay ku nool yihiin muslimiinta laga badan yahay ee jasiiradaasi.

Srilanka-Masaajido-Bandow.jpg

Isniintii ayaa weeraro ka dhacay dalkaasi lagu dilay ugu yaraan hal qof oo muslim ah, waana dhimashadii ugu horeysay ee xiisadan kasoo cusboonaatay dalkaasi kadib weerarkii bishii hore lala beegsaday kaniisadaha wadankaasi.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey kooxo rabshado ka dhigayey degmooyinka Puttalam, Kurunegala iyo Gamphala oo ku dhaw caasimada Colombo ay weeraro ku qaadeen masaajidada iyo goobaha ganacsiga ay leeyihiin dadka muslimiinta ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this