Deeq A. Posted May 14, 2019 (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kahor lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday gaadhi nooca ay Soomaalilada u taqaano NOHO oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xarunta Degmada, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka tiro kale oo la shaacin ay ku dhaawacmeen,waxaana xaalada goobta ay tahay mid weli kacsan. Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax uu ku dhaawacmay Xoghayaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Cali Aadan Warsame, kaasi oo loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho. Source Share this post Link to post Share on other sites