Deeq A. Posted May 14, 2019 Banaanbax ka dhan ah go’aankii lagu joojiyay imtixaanka dowlada ayaa kkasocdo Muqdisho. Banaanbaxaan waxaa dhigaya ardeyda dugsiyada Sare ee dalka,waxayna ka careysan yihiin go’aankii xalay kasoo baxay wasaaradda waxbarashadda ee ku aadanaa in la joojiyay imtixaankii Shahaadiga kadib markii ardeyda ay haleen qish sida wasaaradda sheegtay. Ardayda ayaa ku dhawaaqayo erayo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo ay sheegayaan inaysan dooney,waxayna isugu tageyn taalada daljirka daahsoon Degmadda Boondheere, halkaasi oo ay ku dhigayaan banaanbaxooda. Puntland Post The post Ardayda dugsiyada sare oo banaan bax ka wada Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites