Deeq A. Posted May 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay xarunta degmada Warta Nabadda ee gobolka Banadir. Qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday Gaari Noah-ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo uu waday ruux naftii hore ahaa. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxani, walow aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta sii gaaraya gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Wixii soo kordha kala soco Radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites