Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Dibadbaxyo Ka Bilowday Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumanaan arday ah ayaa goor dhow waxa ay dibadbaxyo ka bilaabeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood, sida wadada wadnaha.

Ardaydan oo ka careysan go’aankii uu wasiir Goodax ku joojiyey imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga sare oo Saddex maalin ay galeen, ayaa joojiyey waddooyinka qaar isku socodka gaadiidka.

Aargada Lambar Afar iyo qeybo badan oo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ayeey ardadu ku banaanbaxayaan, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas u muuqata in kor loo ridayo.

Sidoo kale arday kale oo badan ayaa isugu tagay taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ay ku hadaaqayaan erayo ay ka mid yihiin “Dooni meyno Goodax Barre”

Qaar ka mid ah ardaydan oo nala hadlay waxay sheegeen in aysan u dulqaadan karin waqtigii iyo juhdigii ay ku bixiyeen imtixaannadii ay galeen in hadane dib loogu celiyo.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sababaha ay ku joojisay imtixaannadan ku sheegtay qish la siiyey ardada, iyo iney baaritaan ku hayaan dadka qishkaasi bixiyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Codka-ardada.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this