Deeq A. Posted May 14, 2019 Boosaaso (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Putland Cabdisamad Maxamed Galan oo ka hadlayay amniga mBoosaaso ayaa sheegay in ay wadaan qorshe wax looga qabanayo xaaladda amni ee magaaladaasi. Wasiir Galan ayaa tilmaamay in ay diyaariyeen gawaari ka qeyb qaadan doonto qorshaha xaiijinta amni ee guud ahaan gobolka Bari. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in gacan bur ah lagu qabto amniga M/ Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen deegaano hoostaga dowlad goboleedka Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites