Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabadicasiis iyo Xamar Jajab oo xalay galay barbar dhac

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku tartamay degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jajab oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Labadaani degmo ayaa sidoo kale ka wada tirsanaa Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha Cabdicasiis ayaa waxaa la weydiiyay  todobo Su’aal, waxaana ay ka Jawaabeen afar ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Su’aal kale oo soo hareer martay dhigooda Xamar Jajab, sidaasina waxa ay ku heleen 10 Buundo.

Xamar Jajab oo iyana la weydiiyay todobo su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celisay shan ka mid ah, sidaasina waxa ay ku keensatay dhibco gaaraya 10.

Guddoomiyaha guddiga tartanka aqooneeda Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale oo ku dhaawaqay natiijada ayaa sheegay in labada degmo ay galeen barbar dhac.

Dhinaca kale waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle ku ballansan degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose.

Degmooyinkan oo ku wada jira Group-ka D ee tartanka ayaa ah kuwa ugu dambeeya Groupkaasi.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coc-Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this