Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay labo jiho ka weerareen deegaankaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la sheegay in uu xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weeraro kaga yimid dhanka Al Shabaab.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weeraradaasi.

Dhawaan ayaa aheyd markii Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka Bariire oo muddo ay ka talinayeen dagaalyahannada Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this