Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab geystay khasaaro nafeed oo ka da’ay S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Waraka naga soo gaaraya magaalada Hageysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa ku warramaya in xalay, illaa saaka roobab Mahiigaan ah ay ka da’een gudaha magaaladaasi.

Robabkani oo  watay daadad ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 5 Qof oo Caruur ay ku jirto, kuna dhaawacmeen ku dhawaad 9 kale.

Dadka dhintay ayaa waxaa dishay Koronto iyo Gaadiid ay qaadeen Biyuhu, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha S/lanad Muuse Biixi Cabdi oo booqday meelaha mashaqadu ka dhacday ayaa Tacsi u diray Ehelada ay dadkoodu ku dhinteen Roobaabkaasi.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Biixi ka warbixiyay khasaaraha guud ee ka dhashay Roobanbkaasi.

Halkan hoose la dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/www.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this