Deeq A. Posted May 14, 2019 Hargeysa (SMN) – Waraka naga soo gaaraya magaalada Hageysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa ku warramaya in xalay, illaa saaka roobab Mahiigaan ah ay ka da’een gudaha magaaladaasi. Robabkani oo watay daadad ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 5 Qof oo Caruur ay ku jirto, kuna dhaawacmeen ku dhawaad 9 kale. Dadka dhintay ayaa waxaa dishay Koronto iyo Gaadiid ay qaadeen Biyuhu, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Madaxweynaha S/lanad Muuse Biixi Cabdi oo booqday meelaha mashaqadu ka dhacday ayaa Tacsi u diray Ehelada ay dadkoodu ku dhinteen Roobaabkaasi. Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Biixi ka warbixiyay khasaaraha guud ee ka dhashay Roobanbkaasi. Halkan hoose la dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/www.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites