Deeq A. Posted May 14, 2019 Boondheere (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen dagmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Dilkan oo ay fuliyeen Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cali Hilowle (Cali Dheere). Wararka qaar ayaa sheegay in Marxuumka uu horay xil uga soo qabtay Boondheere, islamarkaana uu ahaa guddoomiye ku xigenka amniga degmadaasi. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo hadase ma jirto wax faah faahin oo ay laamaha amniga dowladdu ka bixiyeen Dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites