Deeq A. Posted May 14, 2019 image.png Madaxaweyne-nimadiyo Maskabkiyo xilkaaguba Ma muquunis uun baa? Ma miskiinka darafkee Muska reerka joogiyo Magantaada xidho baa? Ma masaar afweynoo Muruqmaalka liitiyo Maxasta uun jaraysaa? Ma fallaadh mariidliyo Mishigaan duryamayoo Masalaha ag yaallaa? Mise waaba miiniyo Madaafiicda goobtiyo Militeri hariiryo leh? Ma mas iyo abees iyo Jilbis milil afuufoo Madaxtooyo korisoo Muska Xaraf ag jiifaa? 1) Ismaaciil Yare wuxuu yidhi “Anigu Muuse madaxweyne uma aqoonsani kuna odhan maayo” 2) Guri Barwaaqo: Waa ninkii aflagaadeeyey Mujaahid Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan, kuna sifeeyey nin aan Muslim ahayn, sidoo kale dafiray taariikhdii daraawiishta oo ku tilmaamay wax aan jirin oo dhib mooyee aan waxba laga dheefin. Waa ninkii aflagaadeeyey hablaha Ciidagale oo weliba ka qoray buugga (Satanic Verses) ee waddanka khalkhalka gelin gaadhay ee mudahaaradyada iyo shiraraka Jaraa’id ee isdaba joogga ah sababi jirey ee qabiilooyinka madaxa isu gelin gaadhay. Madaxweynaha “Jamhuuriyadda” ma aqoonsani iyo 18ka May ma aqoonsani keebaa denbi ah, keebaanse ahayn? Keebaan dastuurka waafaqsanayn oo xadgudub ku ah, keebaanse ahayn? Waa maxay sharciga qabtay Dhakool ee aan qaban labadan nin ee kale? Ma Dhakool baa amniga khatar ku noqday oo dad kiciyey mise ninka buugga ku qoray aflagaadada ee qabiilooyinka foodda isu gelin gaadhay kana tallaabay xadkii anshaxa ee Soomaalida iyo kan Islaamkaba? Siyaad Barraa xaqdarro samayn jirey ma sidanay dhashay? Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@yahoo.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites