Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska Ee Soomaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Ben Fender oo uu weheliyo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuwart Brown.

EED31CF4-AED0-4641-A4F1-5F4423E23F0C-102

Madaxda xisbiga WADDANI iyo Danjireyaasha Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee Somalilang gaar ahaana xaaladdii Degdegga ahayd ee meelo ka mid ah Sanaag iyo xadhigga soo noqnoqday ee masuuliyiinta xisbiga, xildhibaannada iyo saxaafadda.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa kulanka ku wehelinayay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Xil Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X . Xasan, xoghayaha guud Khadar Xuseen, xoghaye ku xigeenka Jamaal Jaamac iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha Cabdiqaadir Iidle

Waaxda War Faafinta ee xisbiga WADDANI

Hargysa.Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this