Sign in to follow this  
Deeq A.

Raiisul Wasaare Khayre oo magacaabay Guddi dhameystiraya Qorshaha Deyn Cafinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),  Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe.

Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this