Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab ‘oo weerar culus ku qaaday saldhiga ciidanka Kenya ee duleedka Kismaayo’

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdalla Biroole (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar culus ku qaadeen deegaanka Cabdalla Biroole ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay Saldhig Militari ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee hoos tago AMISOM.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in madaafiic culus iyo rasaas xooggan ay ku weerartay saldhigga, islamarkaana ay dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegtay in dhanka deegaanka Yootooy oo ku dhow magaalada Kismaayo ay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ku gaarsiiyay ciidamada maamulka Jubbaland, kadib iska hor-imaad ka dhacay halkaas.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Maamulka Jubaland iyo ciidamada Kenya wax weerar ah kama soo saarin dhacdadan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay inay badiyaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM inta lagu jiro bisha Ramadan, maadaama ay aamisan yihiin inay ajar badan ka helayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this