Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo sheegay in xilka laga xayuubin karo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeediyey kulan Afur iyo casho isugu jira oo u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in uu qaatay dar-daaran ay u soo jeediyen Culimadu.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gacan bira lagu qabanayo cidkasta oo isku deyday qal-qal gelinta nabada Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in aan qofna looga leexanayn xil uu ka hayo Xukuumadiisa.

Biixi oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa sidoo kale waxa uu si mal-dahan uga hadlay xariga Xildhibaan Dhakool, wuxuuna yiri “Dar-daarankiini waanu qaadanay oo ay koow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayaba dhanka Diinta laga bilaabo oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga qaranka la ilaaliyo si wada jir ah”.

“Ciddii qal-qal galineysa dalka xil kasta oo ay haysana waa in gacan bir ah lagu qabto waayo malaha Diiniyan ba way tahay ee qofka xilka haya fidnada uu bilaaba way ka wayn tahay ta qofka caadiga ah sidaas darteed baa loo yidhaahda qofka xilka haya dambiga uu gala wuu ka sii weynaada qofka caadiga ah ee kale ee aan xilka hayn”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii qof dambi galo ama qof dilo ama sharcigiiba dilo ama qarankiiba wax ku wado dee garaaddo kasta oo uu sito haddii uu madaxweynaha yahay xilka xayuubin baa u taalla oo la saaraya, haddii madaxweynuhu umaddii fasahaadinayo waa in la qabta oo xeer baynu ka dhiganay”.

“Wasiirkii xumaynayana waa in la qabta oo xeer baa laga dhigtay haddii uu xildhibaankii qarankii kala duminayana xeer baynu ka dhiganay, marka in aynaan noqon dawlad dadka danyarta ah uun ku qabata dambiga ka madaxda ahi marka uu wax dumiyana ka daysa iyaduna waa inoo guddoon”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this