Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka Madaxtooyada Kenya Oo Sheegay In Madaxweyne Kenyatta Uu Caafimaad Qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairbi)-Madaxtooyada dowlada Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warar la isla dhex marayay maalmahaan oo ah halka uu ku dambeeyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

dene.jpg

Afhayeenka Madaxtooyada Kenya Ms Kanze Dena ayaa sheegytay in Madaxweyne Kenyatta uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna ku mashquulsan yahay howl maalmeedkiisa caadiga.

Wareysi ay siisay idaacad maxali ah maanta ayay afhayeenka Madaxtooyada Kenya ku sheegtay in xafiiskiisa uu ku sugna madaxweynaha tan iyo markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha.

“Waxaan la yaabay marka ay dadka leeyihiin Madaxweynaha waa la waayay,Madaxweyne Kenyatta xafiiska ayuu si caadi ah howlahiisa ugu wataa wuuna caafimaad qabaa.”ayay tiri Ms Dena.

Hase yeeshee illaa iyo hadda lama soo bandhigin sawiradii ugu dambeeyay ee Uhuru Kenyatta inkastoo afhayeenku uu sheegay in ay dhaqso la soo wadaagi doonto sawiradiisa.


Warkan ka soo baxay afhayeenka Madaxtooyada Kenya ayaa imanaya kadib markii baraha bulshada lagu qoray warar sheegaya in la la’ yahay madaxweyne Kenyatta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this