Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo kulamo ka wada degmada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelwaaq (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Ceelwaaq ayaa kulamo ka wada gudaha degmadaasi.

Kulamadan oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa uu la qaadanayaa saraakiisha Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ee ku sugan halkaasi.

Ujeedka ayaa ah sidii ay Jubbaland u xalin laheyd khilaaf u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo kuweeda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay fashil uu ku soo dhammaadeen kulamadaasi, islamarkaana Ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ka biyo diideedn in ay la shaqeeyaan kuwa maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Kenya uu Maxamuud Sayid Aadan kala hadlay arrimo la xariira howlgallada ka socda gobolka Gedo.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe khilaaf xoogan uu ka dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ka howlgala K/Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this