Deeq A. Posted May 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Militeriga Uganda ayaa sheegay inuu baarayo shaqaaqo maalin kahor ka dhacday gudaha Xerada Xalane ee magaaladda Muqdisho, taas oo lagu dilay afar askari oo midkooda taliye sare ahaa. Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda Richard Karemire ayaa xaqiijiyay in askari ka tirsan AMISOM uu dilay taliyihiisa, kadibna isaga is-dilay kahor inta aan gacanta lagu dhigin. Illo wareedyo ku sugan Xalane ayaa wargeyska Daily Monitor u sheegay in toogashada ay ku dhinteen illaa 4 askari, kuwaas oo dhamaantooda ka soo jeeda dalka Uganda, qeybna ka ahaa howlgalka AMISOM. “Dilkan weli ma cadda sababta ka dambeysa, waxaan dooneynaa in aan ogaanno in Askariga dhmirka looga jiray iyo in uu caafimaad qabay”. ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire. AMISOM weli ma aysan shaacin magacyada askarta isku dhex dishay xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee laga xukumo ciidamada Midowga Africa ee howlgalka ka wada Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo askari ka tirsan AMISOM uu saaxiibadiisa ku toogto Soomaaliya, tan iyo intii uu howlgalka billowday sanadkii 2007. View the full article Share this post Link to post Share on other sites