Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha shacabka oo kulan ku leh magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka BFS oo uu haatan kulan uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka doodaya xeerka saxaafadda oo wax ka bedal lagu sameeyay iyo sidoo kale xisaab xirka miisaaniyadii diowladda ee 2017-kii.

Kulankan oo qeyb ka ah kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka aya waxaa shir guddoominaya ku simaha guddoomiyaha golaha shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi C/weli Sheekh Ibraahim Muudey,waxaana goob joog ah illaa  iyo 143 Mudane.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyay wasiirka cusub ee waasaradda ganacsiga warashada Soomaaliya Mudane C/laahi Cali Xasan,kas oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirkan ayaa bedalaya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo loo wareejiyay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this