Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdicasiis iyo Xamar Jajab oo caawa ku baratamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa 7-aadayaa waxaa laguda gali doonaa Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Group-kan ayaa waxaa ku wada jira degmooyin xul ah, sida Cabdicasiis, Xamar Jabjab, Kaaraan iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulanka ugu horreeya ee caawa ayaa waxaa isaga hor imaan doono degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jabjab oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Labadaani degmo ayaa horay taariikh uga sameeyay tartanka sanadkii hore, kadib markii ay tiigsadeen Finalka ama kama dambeysta tartanka, C/casiis ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad iyo halka labaad ay ku guuleystay degmada Xamar Jajab.

Waa sanad kadib oo ay labaduba caawa mar kale ku kulmayaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan wada dadaal xoogan.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca Cola.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this