Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo oo qiimayn ku socoto

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ayaa saaka kormeer ku tegay wadada u dhexeeya Jalam iyo Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo mashruucii dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo.

Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasiirku uu kormeer shaq ku tegay wadada u dhexaysa tuulada Jalam iyo degmada Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo dhismaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo halkaasi oo laamigu aad uga burburay.

Wasiirka iyo khubaro la socotay ayaa kormeeray habka loo wado qiimeynta lagu sameynayo wadada waxaana ay xog-wareysi la yeesheen khubarada gacanta ku haya qiimeynta wadadaasi oo la qorshaynayo in dhowaan dib loo bilaabo dhismaheeda.

Masaafada la doonayo in dib loo dhiso waa 80km oo ka tirsan laamiga Garoowe_Gaalkacyo waana inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo halkaasi oo uu aad uga burburay laamiga.

Dowladda Jarmalka oo ku deeqday mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa 8 September 2018 ku dhawaaqday in ay joojisay mashruucasi kadib markii ay sheegtay in la musuq maasuqay. Halkan ka akhriso

Balse Jarmalka ayaa mar kale 7 April ee sannadkan ballan-qaaday in uu dib u bilaabayo dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo kadib markii safiiradda u fadhida magaalada Muqdisho ay socdaal ku timid Puntland. Halkan riix

Halkaan ka eeg sawirada kormeerka

FB_IMG_1557736222810.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557736209120.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557736228253.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557736252207.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557736201277.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo oo qiimayn ku socoto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this