Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo hadiyado guddoonsiiyay Waare iyo Lafta-gareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Abaal Marino iyo hadiyado dhiirigelina Guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirada Maamulladaasi ee qaybta ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee shirka wada-tashiga caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgashay.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa abaalmarino dhiirigelina guddoonsiiyey Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaasi oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey isaga iyo weftigiisa muddadii ay Garoowe ku sugnayeen.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa weftiga labada Madaxweyne ku bogaadiyey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa ay hoosta ka xariiqeen in Puntland diyaar u tahay iskaashi iyo xiriir dhaxalgal ah oo sadexgeesood ah, kaasi oo dhexmara Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

  • FB_IMG_1557740714093.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740674851.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740683909.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740688433.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740703161.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740697915.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740679551.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740693322.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740720636.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1557740729585.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Deni oo hadiyado guddoonsiiyay Waare iyo Lafta-gareen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this