Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Iran Oo Shacabkiisa Iyo Mucaaridka Ugu Baaqay Inay U Midoobaan Sidii Ay Dalkooda Ugu Difaaci Lahaayeen Duulaanka Uu Maraykanku Ku Hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran Xassan Rouhani ayaa shacabkiisa iyo mucaaridkiisa ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen duulaanka uu Maraykanka ku hayo wadankooda.

Rouhani-baaq-740x416.jpg

Rouhani ayaa sheegay in cunaqabateynta iyo cadaadiska uu Maraykanka saaray dalka Iran ay ka culus tahay marxaladii uu wadankaasi galay xiligii uu socday dagaalkii dheeraa oo ay la galeen Saddam Hussein (Ciraaq) 1980 illaa 1988kii.

“Xataa xiligii dagaalkii Ciraaq ma jirin cadaadis noocaan ah oo lagu hayey Shidaalka caalamka aan u iib geyno iyo Bangiyada dalka Iran…” ayuu yidhi Rouhani oo sheegay in dhinaca kale shacabka Iran ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan duulaanka xulafada Maraykanka hadii ay codkooda iyo cududooda mideeyaan.

Baaqa Rouhani ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxweynaha Iran uu cadaadis kala kulmayo xoogaga xagjirka ah ee kamid ah Dowlada Iran oo ku eedeenaya xukuumada inay ku fashilantay siyaasada arrimaha dibada.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isagu todobaadkan ku dhawaaqay cunaqabateyn horleh oo la saaray Warshadaha birta soo saara ee Iran, Shidaalka dalkaasi uu soo saaro iyo waliba dhamaan Bangiyada dalkaasi ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo Iran.

Xukuumada Iran ayaa weli diidan inay wax wadahadal ah la gasho isla markaana sheegtay in Trump uu isagu burburiyey heshiiskii ay la saxiixdeen Beesha Caalamka sanadkii 2015, heshiiskaasi oo ay sheegeen inuu ahaa kan kaliya ee macquulka ah.

Xulafada Trump ee xisbigiisa Jamhuuriga ee xidhiidhka laleh warshadaha hubka soo saara oo ay wehliyaan dalalka Sacuudiga, Israel iyo Imaaraatiga ayaa si weyn ugu ololeenaya in duulaan militari lagu qaado dalka Iran.

Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojinayey ciidamada ka jooga bariga dhexe, diyaaradaha wax duqeeya ayaa gaaray saldhiga uu ku leeyahay Qatar, halka la filayo in dhawaan ay halkaasi gaaraan raxan maraakiibta dagaalka ah oo hada maraya Badda cas kuna siijeeda badda Carbeed.

Taliyaha Ciidamada Jamhuuriga ee Iran Jeneraal Hossein Salami oo maanta oo Axad ah hortagay Baarlamaanka Iran ayaa warbixin kasiiyey xildhibaanda reer Iran dhaq dhaqaaqa militariga Maraykanka, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan militariga Maraykanka oo uu sheegay in hadalada kasoo yeedhay Maraykanka ay tahay oo kaliya “cabsi gelinta” Iran.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this