Sign in to follow this  
Deeq A.

Duuliye Si Cajiib Ah Diyaarad U Dejiyay Markii Ay Cilad Ku Timid

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Myanmar)-Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh,markii ay cilad soo wajahdey diyaarad rakaab oo uu waday, wuxuu sameeyay in diyaaradda uu ku dejiyay garoon diyaaradeed iyadoo ay u bixi waayeen lugaha hore ee diyaarada.

201951363693306639175300713398028-701983

Captain Myat Moe Aung oo ahaa duuliyihii diyaarada ayaa garoonka diyaaradaha labo jeer ku dul wareegayay isagoo doonayay in lugaha ay u fidsamaan,hase yeeshee markii dambe ayuu go’aansaday inuu diyaarada dejiyo isagoo raacaya talooyin ay siinayeen dadka haga diyaaradaha.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa dhammaan dadkii saarnaa aysan waxyeelo soo gaarin waxaana laga soo dejiyay diyaarada iyagoo bed qaba.

Diyaaradan ayaa ka soo duushay magaalada Yangon waxana markii ay ku soo dhowaatay magaalada Mandalay ay awoodi weysay diyaarada in lugaha u baxaan.

Wasiirka gaadiidka dalka Myanmar Win Khant ayaa ku tilmaamay howsha uu qabtay duuliyaha inay ahayd mid weyn.

Muddo toddobaad ah dhacadaan waa tii labaad oo dhinaca diyaaaradaha ee ka dhacda dalka Myanmar ,waxaana Arbacadii aynu ka soo gudubnay ay diyaarad ka baxday waddada garoonka diyaaradaha magaalada Yangon waxaana uu dhaawac ka soo gaadhay illaa iyo 17 ruux oo diyaarada saarnaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this