Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho Ka Dhacday Hotel Uu Leeyahay Madaxweyne Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Florida)-Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu toogtay meel ka baxsan Xeebta loo nasasho tago ee Madaxweyne Trump oo ku taalla magaalada Miyaami ee Gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

The-Trump-International-Beach-Resort.jpg

Booliska Miyaami ayaa sheegay inuu ugu yaraan hal qof lagu dilay toogashadaasi, kadib markii uu muran dhex maray dhallinyaro ku sugnaa meel ka soo horjeeda Hotelka Donald Trump ee the Trump International Beach Resort oo ku yaalla magaalladdaasi.

Haweeney 19-jir ah oo lagu dhawaacay toogashadaasi ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka Adventura, mana kala cadda xaalladeeda.

Goobjooge ayaa sheegay inuu dagaalku u dhexeeyey labo kooxood oo ka tirsan kuwa qaada heesaha Raabka, isla markaana uu mid ka mid ah ku dhex geeriyooday gaarigii uu watay.

Booliska magaalaada Miyaami waxay kaloo sheegeen inay ku raad-joogaan 3 Eedeysane oo ku hubeysnaa Qoriga AK 47 iyo dhowr Bistooladood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this