Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xuutiyiintu Wey Ka Baxeen Dekedaha Yemen….” Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Qaramada midoobay ayaa sheegtay Axaddii shalay in ka bixitaanka Maleeshiyada Xuutiyiinta ee Dekedaha Muhiimka ah ee Yemen ay ku dhacday si waafaqsan qorshii lagu heshiiyay.

870285A9-C2A4-40D5-837A-1A517D3D9267_cx0

War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayuu Guddoomiyaha u qaaabilsan Qaramada Midoobay isku duwidda qorshahan, Michael Lollesgaard, waxa uu ku sheegay in dhamaan sadexda dekadood ay kormeer ku sameeyeen markii ay ka baxayeen milatariga, oo ay la wareegayeen ciidamada ilaalada xeebaha.

Waxa uu sheegay in maalmaha soo socda xoogga la saari doono sidii dekeddaha looga nadiifin lahaa qalabka militari, miino sifeynna loogu sameyn lahaa.

Qaramada Midoobay ayaa u xil saarneyd inay xaqiijiso wajiga hore ee ka bixitaanka Xuutiyiinta dekedahan, taasoo loo arko inay fure u tahay soo afjaridda colaadda afar jirsatay ee Yemen ka oogan.

Ka bixitiaanka kooxda Xuutiyiinta ayaa bilaabatay Sabtigii, sida ku xussan heshiis ay dowladda ay taageeraan isbaheysiga Sacuudiga uu hor kacayo iyo Maleeshiyada Xiitiyiinta ee Iran ay taageerto ay ku gaadeen dalka Sweden bishii December ee sanadkii tagay.

Dekedda Xudeyda ayaa ah meesha ay ka soo degaan 70% gargaarka iyo badeecadaha Yemen loo dhoofiyo.

Colaada Yemen ka jirtay 4ta sano ayaa dalkaasi gelisay mushkilad dhinaca bani aadnimada ah.

Qiyaastii 60, kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalada, qarkana u saartay malaayiin dadka reer Yemen ah macluul. Ku dhawaad 3 malyun oo qof ayaa ku barkacay, laba meelood meel dadkaasna waxey u baahanyihiin gargaar deg deg ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this