Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar ka fuliyay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhex maray deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, waxaana dad deegaanka ah ay Shabelle u sheegeen in la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiiska kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee dhaq dhaqaaqyo  Milatari ayaa waxaa la laga dareemayaa deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Arbacow ee gobolka Sh/ Hoose.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this