Deeq A. Posted May 13, 2019 Kaaraan (SMN) – Sida Shabelle ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Kooxo Hubeysan ayaa xalay waxa ay Xaafadda Argentine ee degmada Kaaraan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS iyagoo dhaawacay Askar kale. Wararka ayaa sheegaya in Askariga la dilay ay dableydaasi ka qaateen qorigii uu sitay. Waxaana la xaqiijiyay Kooxahaasi Hubeysan ay meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen kadib dilka. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo laamaha Ammaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaasi xalay ka dhacay gudaha degmada kaaraan ee ka dhanka ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka ka dhanka ah Ciidamada iyo Howlwadeenada dowladda Federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites