Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS  oo lagu dilay Kaaraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Kaaraan (SMN) – Sida Shabelle ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Kooxo Hubeysan ayaa xalay waxa ay Xaafadda Argentine ee degmada Kaaraan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS iyagoo  dhaawacay Askar kale.

Wararka ayaa sheegaya in Askariga la dilay ay dableydaasi ka qaateen qorigii uu sitay.

Waxaana la xaqiijiyay Kooxahaasi Hubeysan ay meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen kadib dilka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo laamaha Ammaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaasi xalay ka dhacay gudaha degmada kaaraan ee ka dhanka ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka ka dhanka ah Ciidamada iyo Howlwadeenada dowladda Federaalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this