Sign in to follow this  
Deeq A.

Waabari oo xalay guul ka gaartay tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka C ayaa xalay ku loomay tartan aqooneedka bishada barakeysan ee Ramadaan.

Waabari yo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay tartan aad loogu riyaaqay.

Degmada Waabari oo guusha la hoyatay ayaa waxaa la weydiiyay 7 Su’aal, waxaana ka Jawaabeen dhammaan, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Sua’aal soo hareermartay dhigooda Wadajir, sidaasina waxa ay ku heleen 16 Buundo.

Dhinaca kale tartamayaasha degmada Wadahir oo iyana la weydiisay 7 Su’aal ayaa waxa ay ka Jawaab celiyeen 5 ka mid ah, mana jirin ka faa’iideysi ay heleen, sidaasina waxa ay ku keensadeen dhibaco gaaraya 10, sida uu ka u dhawaawaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale.

Barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo haatan maraya meel xiiso badan ayaa waxaa caawa laguda gali doono  Group-ka D oo ay ku wada jiraan degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jabjab, Kaaraan iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Kulanka ugu horreeya ee caawa waxaa iska hor imaan doono degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jabjab, waana labo degmo oo taariikh ka sameeyay tartanka sanadkii hore, kadib markii ay tiigsadeen Finalka.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle abaal marin qaali ah ku bixinaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yaha Adult Commercial Secondary School.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this