Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle, K/Galbeed iyo Puntland oo ku shiray Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN ) – Shir saddex geesood ah oo madaxda maamullada Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay ku yeesheen magaalada Garowe ayaa Warmurtiyeed ka soo baxay waxaa lagu sheegay in shirkani uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah DFS, sida uu qabo qodobka 52-aad Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Waxaa diirada lagu saaray shirkan xaqiijinta dhinacyada federaaleynta, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, tayeynta hay’adaha dowladda, is weydaasrsiga xogaha iyo qbiradaha.

Warmurtiyeedka ka soo baxay kulankan waxaa Saxaafadda la wadaagay Afhayeenka maamulka Puntland Jaamac Dabaraani.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa ku soo beegmaya, xilli uu is af garan waaa ku soo dhammaaday shir weyne ay madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada maalmihii ugu dambeeyay M/Garoowe uga arrinsanayeen arrimaha Soomaaliya

Halkan hoose ka Akhriso:-

de

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this