Deeq A. Posted May 13, 2019 Garowe (SMN ) – Shir saddex geesood ah oo madaxda maamullada Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay ku yeesheen magaalada Garowe ayaa Warmurtiyeed ka soo baxay waxaa lagu sheegay in shirkani uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah DFS, sida uu qabo qodobka 52-aad Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Waxaa diirada lagu saaray shirkan xaqiijinta dhinacyada federaaleynta, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, tayeynta hay’adaha dowladda, is weydaasrsiga xogaha iyo qbiradaha. Warmurtiyeedka ka soo baxay kulankan waxaa Saxaafadda la wadaagay Afhayeenka maamulka Puntland Jaamac Dabaraani. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa ku soo beegmaya, xilli uu is af garan waaa ku soo dhammaaday shir weyne ay madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada maalmihii ugu dambeeyay M/Garoowe uga arrinsanayeen arrimaha Soomaaliya Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites