Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo ka hadlay Muwaadin looga dilay M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, gaar ahaan safaaradda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijisay in Nin u dhashay dalkaas oo ahaa Engineer xagga dhismaha qaabilsan uu ku geeriyooday weerar loo adeegsaday Qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Enigineerkaan Turkiga ka soo jeeday ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4, kaas oo Lagu Magacaabi jiray Mustafa.

Waxaana uu dhaawaca qaraxaasi ka soo gaaray ugu geeriyooday Isbitaal loola cararay kadib qaraxa.

Weerarkaan ayaa waxaa Masuuliyaddiisa dusha u ritay Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this