Deeq A. Posted May 12, 2019 Innaa lillaahi wa innaa ilayhi rajicuun MAANSO BAROOR DIIQ AH GEERIDA “XAJI CABDI WARAABE” By: Ali Xaruuri Dhaaxaa rag go’ayoo godka aynu dhigaynoo geeri aan u joognee tani goba’di weeyaan Warkan galabta noo yimi gundhigiisu wuxuu yahay geestii loo badnaa buu CABDI uu guuroo guula kaxaystee ALLAH gocasho weynaa galiilyadani kululaa murugadu gun dheeraa XAAJIGU ma guurtiyo Gallad EEBBE siiyuu gayigan u ahaayoo ka tilmaaman GEESKEE ma galbaday halyeygii guurti buu ahaa dhaba nabadda u guntada oo qaranimada gaadh ka ah abaalkii u noo galay Alluun baa u gudi kara TAWXIID baa ku gaadhane Calankan guudka sudhan baan maanta gaabin laayoo gunta aan ku simi laa e GUULLAAN ka baqayaa gebagabadii maansada Somaliland guud goluhuu ka baxay iyo eheladiisa gaarka ah tacsi baan u gudbinayaa isna guriga Aakhiro inu galo fardowsaan guula uga tuugee Aamiinta ila gura Aamiin Aamiin Aamiin By: Cali Xaruuri Rotterdam, Holland Qaran News Share this post Link to post Share on other sites