Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhexeeya Puntland Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle oo Garoowe ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay shirka Iskaashiga, xiriirka iyo wax wada-qabsiga dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ee kala ah Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, maadaama Puntland hore xiriir iskaashi ula lahayd Jubbaland iyo Galmudug.

Shirkaan oo ka furmay Garoowe waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirkan iskaashiga ah

Runtii waxaa sharaf wayn noo ah inaan halkaan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo runtii qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah“. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowaladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale bogaadiyey iskaashiga iyo xiriirka cusub ee dhexmaraya Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa si gaar ah sharaf weyn noogu ah Puntland inay maanta labadan maamul ay wadayeeshaan iskaashi iyo xiriir, iyadoo hadda ka hor dowladdaha Galmudug iyo Jubbaland u dhexmareen heshiisyo iyo shirar noocaan oo kale ah oo ay iskaashi iyo wax wadaqabsi uga wada hadlayeen”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka ee dhinacyada ganacsiga iyo wadashaqaynta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Halkaan ka eeg sawirada shirka

FB_IMG_1557689412966.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557689418618.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557689423051.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557689428096.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557689432448.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557689452350.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1557689465813.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shir u dhexeeya Puntland Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this